MASAR OO MARTIGELINAYSO SHIR LOOGA HADLAYO…

(SAWIRKA)-GAARI DAGAAL OO LA GUBAY.

(MASAR)-Dalka Sudan waxaa weli ka socdo dagaalkii u dhexeeyey Ciidamadda dawladda Sudan ee uu hogaaminayo C/fataax Burhani iyo xoogaga Gargaarka Deg Dega ah(RSF) ee uu hogaaminayo Xumaydeyti,dagaalkan ayaa soo bilawday bishii Abriil ee sannadka-2023-ka. Dagaalka dalka Sudan ayaa waxaa ku barakacay dad aad u fara badan waxaane ku dhintay tiro kale oo aad u badan,dad ka soo qaxay Sudan ayaa waxa ey gaareen dalalka deriska la ah Sudan,hadaba Xukuumadda Masar ayaa maanta oo Axad ah(9/7/23)-ka waxa ey ku dhawaaqday iney martigeliyaan fadhi ey ka wada qeybgelayaan dhammaan dalalka deriska la ah dalka Sudan taariikhdu marka ey tahay 13/7/23-ka,shirka ayaa loogu gogol xaaraa xal u helida dagaalka ka socdo dalka sudan iyo xaalada aan wanaagsanayn ey ku sugan yihiin dadkii ka qaxay dagaalka Sudan kuna sugan wadamada deriska la ah Sudan.

ISHA/ARABIC.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

SURIYA: WEERAR LAGU DILAY SHAN ASKERI.

Next
Next

SURIYA OO LAGU DILAY HOGAMIYE DAACISH AH.