MASAR OO KA HORTAGTAY DAROOGO TAHRIIB AH.
(SAWIRKA)-XUDUUDKA MASAR IYO ISRAEL.
(QAHIRA-EGYPT)-Kanaalka Masar ee QAHIRA NEWS ayaa sheegay fiidnimadii caawa oo Isniin ah eyna bishu tahay 15/1/24-ka isagoo soo xiganaayo ilo amni,in ciidamadda Masar ey ka hortageen isku day lagu doonaayey in Daroogo lagu soo geliyo xadka Dalka Masar la leeyahya dalka Isra’iil,warku waxa uu intaas ku darayaa in ciidamadu ey qabteen lix nin oo Daroogada ka gamacsan jiray koonfurta isgoyska xadka Cawja oo Isra’iil looga yaqaano Isgoyska Nitsana. Isla waqtigaas uu sheegay Kanaalka wararka Masar warka ku saabsan Daroogada la qabtay ayey warbaahinta Isra’iil sheegtay in ciidamadda ey beegsadeen ayagoo isticmaalayo xabado nool dad ku sugan dhulka Masar kuwaaso kusoo dhawaaday xadka Nitsana,ragaan ayaa lagu tuhmaayey iney wadeen daroogo lala damacsanaay in la geeyo gudaha Isra’iil.
ISHA/ARAB.