MASAR OO KA CAROOTAY ITOOBIYA OO…

(SAWIRKA)-BIYA XIREENKA DALKA ITOOBIYA.

(QAHIRA)-Weli waxa aan xal kama dambays ah aan laga gaarin khilaafka ka taagan biya xireenka dalka Itoobiya,waxaane sii kordheysa is eedeynta u dhexeyso wadamadda isku haysto biyaha Wabiga Niil ee kala ah Masar,Sudan iyo Itoobiya,hadaba dalka Masar ayaa maanta oo Axad ah(10/9/23)-ka sheegay in dalka Itoobiya ku dhaqaaqay inuu si dhammaystiran u buuxiyo haanta keydka biyaha ee afaraad ee biya xireenka dalka Itoobiya,qof u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa yiri”Tani waa xadgudub cusub ayadoo ey socdaan wada hadalo”,Ugu dambayntii qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Masar ayaa lagu yiri”Waa xadgudub sheegidda maanta oo Axad ah in la dhammaystiray buuxinta haantii afaraad ee keydka biya xireenka Itoobiya”. Wasaaradda ayaa hadalkeedii sii raacisay “Buuxintu waxa ey ka socotaa dhinaca dalka Itoobiya si joogta ah,waane mid xadgudub ku ah mabaadii’idii ey wada saxiixeen dalaka Masar,Sudan iyo Itoobiya”.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

LIBIYA EY KA DE’EEN ROOBAB XOOGAN.

Next
Next

SACUUD CARABIYA OO KORDHISAY DILKA TOOGASHADA AH.