MASAR OO EEDEYSAY ITOOBIYA.
(SAWIRKA0-WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA MASAR SAAMIX SHUKRI.
(NEW YORK)-Dalalka Masar,Sudan iyo Itoobiya ayaan weli heshiis dhamaystiran ka gaara arrinta biya xireenka Itoobiya ey ka dhisayso biyaha Wabiga Niil,Wasiirka arrimha dibadda dalka Masar Saamix Shukri oo ka hadlaayey fadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobe ee 78-aad ayaa eed culus waxa uu u jeediyey dawladda Itoobiya kuna sheegay in itoobiya kaligeed ku tahay buuxinta biya xireenka lagana talo gelinin dalalka Itoobiya la wadaago biyaha Wabiga Niil ee Masar iyo Sudan,arrintaan ayuu Wasiir Shukri ku tilmaamay iney tahay mid ey ka dhalan karto cawaaqib xumo saameysa deganaanshaha Qaaradda Afrika.
ISHA/ARAB.