MASAR IYO TURKIGA OO BERRI KULMI DOONO.

WASIIR SAAMIX SHUKRI.

(ANKARA)-Wasiiraka Arrimaha dibadda dalka Masar Saamix Shukri ayaa booqasho rasmi ah waxa ey uga bilaaban doontaa dalka Turkiga maalinta Khamiista oo berri ah(13/4/23)-ka sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha dibadda dalka Turkga. Wasiirka Arrimaha dibadda Masar Shukri ayaa dalka Turkiga ku imaanaayo casuumad uu ka helay dhigiisa Turkiga Mevlut Cavusoglu,booqashada Shukri ee dalka Turkiga ayaa waxaa qeyb ka ah wada hadalada u dhexeeyo dalalka Turkiga iyo Masar. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda dalka Turkiga ayaa lagu yiri”Kulamada dhacaayo waqtiga uu Wasiir Shukri booqashada ku joogo dalka Turkiga ayaa waxaa looga hadli doonaa si xoojinta xiriirka labada dal iyo go’aanka gaaridda arrimaha gobolka”.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

DALKA SURIYA OO XIRIIRKA LA SOO CESHANAYO…

Next
Next

IRAN OO DIB U FURAYSA…