MASAR IYO IMAARATKA OO KA HESHINAYA…

SAWIRKA MW-SISI IYO MAXAMED BIN ZAYID.

(QAHIRO)-Tan iyo markii uu bilawday dagaalka dalka Sudan seddex todobaad ka hor waxaa isa soo taraayey iska horimaad aan muuqan una dhexeeyo dalalka Imaaraatka Carabta iyo Masar,arrintaan ayaa soo ifbaxday ka dib markii kuwii xulafada ahaay shalay ey iskula dheceen dagaalka dalka Sudan lana kala safteen garbaha isku haayo talada dalka Sudan. Dalka Masar ayaa Gen.Burhani u arka hogaamiyaha saxda ah ee dalka hogaamin kara waqtigaan adag halka dalka Imaaraatka Carabta iyo Gen.Xaftarka Liibiya ey gadaal ka taagan yihiin Xumaydayt ey colaada kala dhexeyso Gen.Burhani,si hadaba dalalka Masar iyo Imaaraatka Carabta u xaliyaan mushkilada dhexexdooda ah ayaa waxaa soo baxay warar sheegaayo in dalka Masar uu ka socdo diyaa garaw xoogan oo lagu soo dhaweynaayo Madaxweynaha dalka Imaaraatka Carabta Maxamed Bin Zayid magaaladda Qaahira,ilo siyaasadeed ayaa faahfaahiyey booqashada Maxamed Bin Zayid ee Qahiro in hadafkeedu yahay sidii loo soo celin lahaay isku xirka Qahiro iyo Abu Dabai loona wanaajin lahaay xiriirkooda kala go’ay markii uu bilawday dagaalka dalka Sudan.

ISHA WARKA ARAB NEWS.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Previous
Previous

DIYAARADAHA ISRAA’IIL OO DILAY SEDDEX…

Next
Next

SUURIYA OO LAGU XIRAY SHURUUD.