MAROOKO OO QABATAY DAACISH.

MAROOKO.

(RABAT)-Ciidamadda amaanka dalka Marooko ayaa maanta oo Arbaca ah waxa eey xireen shan qofood oo lagu tuhmaayo ineey ka tirsan yihiin kooxda Daacish kuwaaso qorsheynaayey ineey weeraro ka gaystaan gudaha dalka Marooko.Qoraal ka soo baxay hayada dhexe ee dembi baarista dalka Marooko ayaa lagu sheegay in dadka la qabtay ee lagu tuhmaayo ineey ka tirsan yihiin Daacish da’adoodu u dhexeyso 20-jir ilaa 45-jir eey qorsheynaayeen weeraro argagixiso ayagoo diyarinaayey waxyaabaha qarxa si eey ugu isticmaalaan weeraradooda eey la beegsanayaan ciidamada amaanka iyo masuuliyiinta dawladda Marooko.

ISHA WARKA AA.

HALKAANKA SII AKHRI.

Previous
Previous

DALKA CIRAAQ OO YEESHAY XUKUUMAD CUSUB.

Next
Next

NGO-YADA YURUB IYO LIIBIYA OO..