MARKAB SHIDAAL SIDAY OO KU QALIBMAY XEEBAHA DALKA CUMAAN.
(SAWIRKA)-MARKABKA PRESTIGE FALCON.
(CUMAAN)-Wararka ka imaanayo dalka Cumaan ayaa sheegaayo in kooxaha baadigoobka iyo samatabixinta ayaa soo badbaadiyey sagaal badmaax,waxaane la helay meydka mid ka mid ah 16-qofood oo la la’aa tan iyo maalintii Isniinta ka dib markii uu la qalibnay Markab shidaal oo maraayey Xeebaha dalka Cumaan kaaso ku sii jeeday dekedda magaaladda Cadan ee koonfurta dalka Yeman. Xarunta Amaanka Badaha Cumaan ayaa sheegtay Arbacada maanta ah in hawlgaladda baadigoobka iyo samatabixinta ey si guul leh u horseedeen badbaadinta sagaal ka mid ah shaqaalah Markabka(Prestige Falcon),oo ku qalibmay Xeebaha Cumaan Isniintii,iyadoo intaas ku dartay in kooxuhu “Heleen meydka hal qof oo shaqaalaha ah”. Markabkaan oo lagu magacaabo Prestige Falcon ayaa dhirirkiisu dhan yahay 117-Mitir wuxuuna ku sii jeeday dekedda magaaladda Cadan ee dalka Yeman,iyadoo ey la socdaan 13-Hindi ah iyo seddex u dhalatay dalka Sri Lanka markii uu ku degtay Xeebaha dalka Cumaan. Afhayeen u hadlay Ciidamadda Badda Hindiya oo ka qeybqaadanaayo hawlgalka baadigoobka iyo samatabixinta ayaa sheegay in “sideed qof oo Hindi ah iyo Sri Lanki la soo badbaadiyey ilaa hadda”,isagoo intaas ku daray “Hawlgallada raadinta ayaa ku dhacay xaaladdo cimilo oo adag iyadoo ey jiraan mawjado culus oo xoogan ee dabaylaha”.sidaas waxaa sheegtay Wakaaladda Wararka ee Reuters. Shirkadda Korontada ee magaaladda Cadan ayaa horay u beenisay in Markabka shidaalka ee badda ku qalibmay uu shixnad Nafta ah u siday Saldhigyadeeda,waxayna tiri”Shixnadda shidaalka ah ee lagu qiyaasay Shanta kun waxaa iska leh Ganacsato,waane mid khuseyso Suuqa Ganacsiga Shidaalka,mana la laha wax xiriir ah shidaalka Korontada”.
ISHA/MO.