MARAYKANKA OO WAR KA SOO SAARAY DAGAALKA DALKA SUDAN.
(SAWIRKA CALANKA DALKA MARAYKANKA.
(WASHINGTON)-Dalka Sudan waxaa weli ka socdo dagaalka u dhexeeyo ciidamada dawladda Sudan(SAF) iyo Xoogaga Gargaarka deg dega ah(RSF),dagaalkan ayaa soo bilawday 15/4/23-ka waxa uuna hadda maraa bishiisii shanaad aan kala go’o lahayn,waxaane dagaalka dalka Sudan ku dhintay,kuna dhaawacmay kuna barakacay dad aad u fara badan mana muuqato natiijo la dhihi waa uu ku joogsanayaa dagaalka ka socdo dalka Sudan,hadaba afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Maraykanka Mathew Miller ayaa sheegay in dalka Maraykanka uusan indhaha ka qabsan karin weerarada lagu qaadayo goobaha ey degan yihiin dadka shacabka ah sida weeraradii lagu qaaday Koonfurta Daarfuur,Kharuum iyo Koonfurta Koordufaan. Ciidamada dawladda Sudan iyo kuwa Gargaarka deg dega ah ayaa qaaday weeraro dhan toban weerar bilihii Agoosto iyo Sebtembar-2023-ka waxaane weeradaasi ku geeriyooday dad gaaraayo ilaa 70-qofood oo shacab ah waxaane ku dhaawacmay tiro intaas ka badan.
ISHA/AA.