MARAYKANKA OO ERGAY GAAR AH U MAGACAABAY DALKA SUUDAAN.
(SAWIRKA)-DAGAALKA DALKA SUUDAAN.
(WASHINGTON)-Dalka Maraykanka ayaa maanta oo Isniin ah ku dhawaaqay inuu ergay cusub u soo magacaabi doono dalka Suudaan taaso qeyb ka ah dadaaladda ey Washington ku dooneyso in lagu soo afjaro dagaalka burburiyey qeybo ka mid ah dalkaasi Suudaan isla markaasne galaaftay nolosha tobanaan kun oo dad ah. Xoghayaha arrimaha dibadda dalka Maraykanka Anthony Blinken ayaa bayaan uu soo saaray eyna heshay wakaaladda wararka ee Reuters ku sheegay in diblomaasi hore soona noqday xildhibaan ka tirsanaay Koongareska Maraykanka lana yiraahdo Tom Perriello uu qaban doono dooraka Ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan dalka Suudaan,Maraykanka ayaa doonaayo inuu kordhiyo sidii loo soo afjari lahaay dagaalka dalka Suudaan loona dhammaystiri lahaay khilaafka taagan. War qoraal ah uu soo saaray Perriello ayuu ku sheegay inuu la sii wedi doono bahawadaagta(Saaxibadda) Afrika iyo Bariga dhexe si loo soo afjaro dagaalka,dhibaatooyinka bani’adanimo iyo xadgudubyada. Perriello ayaa intaas raaciyey”Magacaabistaan waxa ey ka tarjumaysaa deg dega iyo muhimadda ey Madaxweynaha Maraykanka JOE BiDEn iyo Xoghayaha arrimaha dibadda Blinken ku lifaaqeen joojinta dagaalka dalka Suudaa,soo afjaridda xadgudubyada loo gaystay dad badan oo rayid ah isla markaasne looga hortegaayo xaaladda bani’adanimo oo marka horaba argagax lahayd lagana cabsi qabo iney isu bedesho Macluul.
ISHA/ALSHARQ ALAWSAT.