MARAYKANKA OO DUQEYN KU DILAY HOGAMIYE SARE.

(SAWIRKA)-XOOGAGA DAACISH.

(SYRIA)-Ciidamada CENTCOM ayaa dilay sarkaal sare oo ka tirsan Ururka Al-Qaacida ee xiriirka la leh Xurras AL-Din. Ciidamada Mareykanka ayaa weerar cirka ah oo sax ah ka fuliyay Waqooyi Galbeed Suuriya iyagoo bartilmaameedsaday kuna dilay sarkaal sare oo dhanka Maaliyadda iyo Saadka ah oo ka tirsan Ururka Argagixisada ah ee Xurras AL-Din (HaD), oo xiriir la leh Al-Qaacida. Weerarka cirka waa qayb ka mid ah ballanqaadka joogtada ah ee CENTCOM, oo ey weheliyaan la-hawlgalayaasha Gobolka, si ey u carqaladeeyaan una wiiqaan dadaallada ey Argagixisadu ku qorsheynayaan, abaabulaan, oo ey fuliyaan weerarada ka dhanka ah Rayidka iyo Shaqaalaha Militariga ee Mareykanka, xulafadayada, iyo saaxiibadayada Gobolka oo dhan iyo meelo ka baxsan. "Waxaan sii wadi doonnaa inaan si hagar la'aan ah u baacsano Argagixisada si aan u difaacno dalkeenna hooyo, iyo Mareykanka, xulafada, iyo shaqaalaha iskaashiga ee Gobolka," ayuu yiri Gen. Michael Erik Kurilla, taliyaha, taliska dhexe ee Mareykanka. Taliska dhexe ee Ciidamadda Maraykanka CENTCOM ayaa hawlgalo ka fuliyo biyaha Badda Cas iyo dhammaan goobaha ey ku sugan yihiin kooxaha AL-Qaacidda iyo Daacish,gaar ahaan dalalka Yeman,Suriya iyo Ciraaq oo ey ku dhuuntaan xoogaga Argagixisada Daacish iyo AL-Qaacida. Bishii Sebtembar,Mileteriga Maraykanka ayaa sheegay iney fuliyeen laba weerar oo laga fuliyey dalka Suriya waxaane lagu dilay 37-dagaalame oo ka tirsan Daacish,waxaane ka mid ah xubno sare oo ISIS ah iyo Ilaaliyeyaash Diinta. Bishii la soo dhaafay Mileteriga Maraykanka ayaa sheegay iney dileen Hogaamiyihii sare ee kooxda Xuraas AL-Diin Abu Abdulraxaman AL-Maki,ka dib weerar dhanka cirka ah kana dhacay Waqooyi-Galbeed ee dalka Suriya.

ISHA-WAKAALADO.

Previous
Previous

ISRA’IIL OO LA SIIN MEYDADKA AFAR QOFOOD AH.

Next
Next

URURKA XIZBULLA OO BEYRUT KU GUBAY GAARI…