MARAYKANKA OO DIL LOOGU GAYSTAY NIN ASKERI AH OO..

(SAWIRKA)-MAXAMED SICIID BAJILI.

(MICHIGAN)-Waxaa sii kordhaya rabshadaha ka dhanka ah Muhaajiriinta Yemaniyiinta ah ee ku sugan dalka Maraykanka,askeri Maraykan ah oo asalkiisu yahay Yaman ayaa la dilay xilli uu hawshiisa shaqo ku guda jiray magaaladda Dearbon,Melvindale ee Gobolka Mishigan ee dalka Maraykanka. Booliska dalka Maraykanka ayaa xaqiijiyey dilka sarkaalka Muxamed Saciid AL-Bajili,kaaso uu toogtay nin hubaysan oo lagu magacaabo Micheal Lopez oo 44-jir ah balse haysta dhalashada dalka Isbeyn,isagoo xusay in dembiilaha dilka gaystay uu xirnaay surwaal gaaban oo madaw oo aan shaar lahayn,islamarkaasne uu lahaa Tattos iyo Ger weyn,markii ugu dambeysay ee la arkayne waxa uu watay Bushkaleeti cagaaran. Booliska ayaa faafiyey sawirka Dembiilaha,waxayna ku tilmaameen inuu ahaa nin hubaysan oo halis ah,waxayna shacabka ka codsadeen iney maamulka ku soo wargeliyaan wixii macluumaad ah ee gacan ka gaysan kara soo qabashada ninkaas. Dhacdadaan ayaa dhacday markii sarkaalka la dilay(Bajili) uu eryanaayey ninka hubaysan ee Lopez,kaaso toogtay sarkaalka oo isla markiiba dilay ka hor inta uusan goobta ka baxsan. Sarkaalka lagu magacaabo Muxamed Siciid AL-Bajili ayaa ka tirsan degaanka AL-Rabiicateyn ee degmada Jaban ee Gobolka Daalac ee Koonfurta dalka Yeman. Sannadihii ugu dambeeyey waxaa sii kordhaayey tirada dhibaneyaasha Yemaniyiinta ah ee loo gaysanaayo dilalka kuwaaso ku sugan dalka Maraykanka,iyadoo ey ku soo noqnoqdeen magaalooyin kala duwan oo Maraykanka ah dhacdooyinka dilka ah iyo dhaca hubaysan ee loo gaysto Goobahooda Ganacsiga.

ISHA/MO.

Previous
Previous

MAGAALADDA CADAN OO DADKA LA ISKA AFDUUBTO.

Next
Next

DALKA IMAARAATKA OO XUKUNO KALA DUWAN KU RIDAY..