MARAYKANKA IYO ISRA’IIL OO LA YAABAY…
(SAWIRKA)-GODADKII XAMAAS KA QODATAY DHULKA HOOSTIISA.
(GAZA)-Wargayska caalamiga ah ee New York Times ayaa maanta oo Talaada ah waxa uu warbixin dheer ka qaray godadka dhulka Hoostiisa ah ey iska lahayd Xamaas,waxa uuna Wargaysku ku sheegay iney la yaabeen Maraykanka iyo Isra’iil sida ey u sameysan yihiin godadkaas,wargayska ayaa xusay inuu jiro god dheer kaaso dhererkiisa uu u dhigmo seddex garoon oo kubadda cagta ah iyo mid kale oo isna dheer oo masuul sare oo Xamaas ka tirsan uu gaarigiisa ku dhex wado. Wargayska New York Times waxa uu la hadlay saraakiil iyo askar Isra’iiliyiin ah oo booqday godadka dhulka hoostiisa mara,marka laga soo tago saraakil Maraykan ah oo hadda jooga iyo kuwa hore oo Maraykan ah oo aqoon u leh degaanka. Saraakiil Maraykan iyo Isra’iil ah ayaa waragaysak New York Times u sheegay baaxadda,qoto dheeraanta iyo tayadda godadka ey Xamaas dhisatay ey la yaab ku noqotay,waxa eyna xuseen in qaar ka mid ah mishinadii ey Xamaas ku dhiseen godadka dhulka hoostiisa mara lagu dhex arkay muuqaalo la qaaday oo iyagana la yaab ku noqday ciidamadda Isra’iil ee goobtaasi qabsaday.
ISHA/ARAB.