MARAYKANKA IYO INGIRIISKA OO MAR KALE DUQEEYEY YEMAN.
(SAWIRKA)-DIYAARADAHA DAGAALKA EE DALALKA MARAYKANKA IYO INGIRIISKA.
(SANA’A-YEMAN)-Warbaahinta Xiriirka la leh kooxda Xuutiyiinta(Ansaaralaah) ee dalka Yeman ayaa maanta oo Arbaca ah sheegtay in diyaaradaha dagaalka ee dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska iney duqeymo cusub ka fuliyeen degaanada AL-Jabanah ee magaaladda Xudeyda,Raas-Ciise oo ka tirsan degmada Saliif iyo AL-shabaab,degaanka Jaah oo ka tirsan Beyt AL-Faqiih. Telfishanka AL-Masiirah ee kooxda Xuutiyiinta ayaa sheegay in duulaanka gardarada ah ee Maraykanka iyo Ingiriiska ey mar kale laba duulaan ku qaadeen degaanada AL-Jabana ee Mgaaladda Xudeyda iyo Raas-Ciise oo ka tirsan degmada AL-saliif ee dalka Yeman,ka dib markii ey xilli hore duulaan ku qaadeen degaanadaas. Telefishanka AL-Masiirah ee taabacsan Xuutiyiinta Yeman ayaa sheegay in diyaaradaha Maraykanka iyo Ingiriiska ey laba weerar ku qaadeen degaanka AL-Jaah ee degmada Beyt-ALFaqiih,dhinaca kale Taliska dhexe ee ciidamadda dalka Maraykanka(CENTCOM) ee ku sugan Gobolka Bariga dhexe ayaa ka hadlay weeraradii ugu dambeeyey waxa uuna sheegay Taliska iney duqeeyeen goobo ey Xuutiyiinta Yeman maamulaan balse ma eysan sheegin kuwa ey yihiin goobahaas lala beegsaday duqeynta.
ISHA/ARAB.