MADMADAW SOO KALA DHEXGALAY IRAAN IYO CIRAAQ.
(SAWIRKA)-ISMAACIIL QAANI.
(TASNEM-IRAN)-Ilo wareedyo sar sare oo ah Iraan iyo ciraaq ayaa daaha ka qaaday faafahine ka bixiyey booqashooyinka is daba jooga ah ee hogaamiyeyaasha ilaaladda kacaanka ee dalka Iraan(IRGC) iyo saraakiisha amnaanka ey ku tageen dalka Ciraaq dhawaan,booqashoyinkaas ayaa waxaa ka mid ah midii Ismaaciil Qaani uu ku tegay dalka Ciraaq taaso ujeedadeedu ahayd in xooga la saaro baahida loo qabo in loo hogaansamo waxa ey Iraan ugu yeertay”SAMIRKA ISTARAATIIJIGA AH EE TAHRAAN” ee ku wajahan hawlgaladda Maraykanka ee ka dhanka ah dalka Ciraaq. Ilo wareedyo ayaa shaaca ka qaaday in hogaamiyeyaasha kooxaha hubaysan ee dalka Ciraaq ey xaqiijiyeen “ineysan u hogaansami doonin dulqaadka istaraatiijiga ah ee Iraan”,iyo iney ka xanaaqeen taliyaha ilaaladda kacaanka ee dalka Iraan(IRGC) Ismaaciil Qaani,”isagoo ka jawaabaya isku daygiisa ahaay inuu dejiyo ka dib markii ey cirka isku shareertay arrimaha ka dhexeeyo kooxaha reer Ciraaq iyo ciidamadda Maraykanka ee ku sugan gudaha dalka Ciraaq,sababtuna ey tahay taageerada joogtada ah ee uu Maraykanka siiyo dalka Israiil ee dagaalka ka socod Marinka Gaza taaso keentay iney soo noqnoqdaan weerarada ey qaadaan kooxaha hubaysan ee dalka Ciraaq,weerarada ayaa waxaa lala beegsadaa saldhigyada ey joogaan ciidamadda dalka Maraykanka kuna yaalo gudaha dalka Ciraaq,waxaane jiro weeraro qorsheysan oo lagu khaarijiyo hogaamiyeyaasha kooxaha hubaysan ee dalka Ciraaq,Maraykanka ayaana fuliyo weeraradaasi qorsheysan ee ka dhaca gudaha dalka Ciraaq.
ISHA/ARAB.