MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO..

SAWIRKA XUSEEN SHEEKH MAXAMUUD.

(MUQDISHO-SOMALIA)-Tan iyo markii la doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda waxa uu sameeyey magacaabistiisi ugu horeysay uu sameeyo tan iyo markii loo dhaariyey xilka Madaxweyne. Madaxweyne Xasan ayaa waxa uu magacaabay seddex xil oo kala duwan balse ka hawgeli doona halmeel oo ah madaxtooyada xilalalka ayaa kala ah: (1)-Agaasimaha Madaxtooyadda JFS waxaane xilkaan loo magacaabay Ex-Senitar Xuseen Sheekh Maxamuud. (2)-Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada waxaa loo magacaabay Ex-Senitar Maxamed-Amiin Sheekh Cismaan. (3)-La taliyaha Amniga Qaranka waxaa loo magacaabay Xuseen Macallim Maxamuud oo ahaay madaxa Machadka Daraasaadka Amniga Hiraal. Waa masuuliyiintii ugu horeysay uu magacaabo Madaxweyne Xasan Sheekh marka aad fiirisidne waxa aad ka dareemeysaa inuu Madaxweyne Xasan ka fiirsaday magacaabidooda kana fiiriyey dhinacyo badan loogana baahan yahay masuul kasta inuu sameeyo sidaan oo kale marka uu xil magacaabayo.

ISHA WARKA WAKALADO.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Previous
Previous

WASIRKA ARRIMAHA DIBADDA SOOMAAMLIYA OO SHAQADA..

Next
Next

AL-YEMENIA OO DACWAD UGA BILABATAY PARIS.