MADAXII HORE EE MOSSAD OO KA HADLAY…

(SAWIRKA)-TAMIR PARDO IYO NETENYAHU.

(TEL AVIV)-Madaxii hore ee hayada sirdoonka dalka Israa’iil(Mossad) Tamir Pardo ayaa qiray in dalka Israa’iil yahay mid ku dhaqmo midab kala sooc waxa uuna gooni yeelaa dadka reer Falastiin ee degan Daanta Galbeed,Tamir ayaa yiri”Halkaan(Isra’iil) waxaa ka jirto dawlad cunsuruyeysa shacabka reer Falastiin waane in loo maxkamadeeyaa laba qofood sida nidaamka sharciga ah uu yahay”. Arrintaan ayaa waxaa horay uga hadlay hayadaha u dooda xuquuqda dadka ee kala ah Human Rights Watch iyo Amnesty International waxa eyna hayadahaan sheegeen in gudaha dalka Israa’iil ey ka jirto midab kala sooc taaso lagula kacaay dadka reer Falastiin ee dhulkooda ey Israa’iil xooga ku degan tahay.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

BAXRAYN: MAXAABIIS KA SOONTAY CUNTADA.

Next
Next

MUSLIMIINTA FARANSA IYO SIYAASADDA.