MA HESHIIN DOONAAN ISRA’IIL IYO XAMAAS?

(SAWIRKA)-BURBURKA GAZA.

(GAZA)-Warar uu helay Wargayska”AL-Arabi AL-Jadeed”ayaa sheegay inuu helay sharaxaad ku saabsan dhexdhexaadinta Isra’iil iyo Xarakada Xamaas si loo gaaro xabad joojin waarta kana dhaqan gasha Marinka Gaza awoodna loo yeesho sii deynta la haystayaasha Ajaanibta ah ee ku jira gacanta Xarakada Xamaas waxaane la filaa in Madaxa Sirdoonka Dibadda Maraykanka(CIA) William Burns inuu gaaro caasimadda dalka Qadar ee Dooxa maalinta Khamiista ee beri ah si uu qeyb uga noqdo sii deynta dadka Ajaanibta ah ey hayso Xarakada Xamaas kuwaaso wata dhakshada dalal kala gedisan. Heshiiska ey garwadeenka ka tahay Dawladda Qadar ayaa waxaa ka mid ah sida la sheegay in la sii daayo dhammaan Dumar iyo Caruurta ey kala hayaan Isra’iil iyo Xarakada Xamaas,weli lama oga dhinaca Isra’iil go’aankeeda ku aadan maxaabiista la isdhaafsanaayo.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

DHAQAALAHA ISRAEL OO LAGA BAQAAYO INUU BURBURO.

Next
Next

CIIAMADDA XOOGA IYO KUWA DEGAANKA OO ALSHABAAB…