MA GUULAYSAN DOONAA QORSHAHA MASAR EE MARINKA GAZA?

(SAWIRKA)-DAD U YIMID INEY SOO ARKAAN MEYDADKA LA KEENAY ISBITAALKA ALAQSA EE DIIRAL BALAX.

(QAHIRA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Masar ee Qaahiro ayaa sheegaayo in xukuumadda Masar ey soo bandhigtay hami hindisa bilaw ah oo lagu soo afjaraayo dagaalka Isra’iil iyo Xamaas lagu joojin lahaay,sii deynta la haystayaasha iyo abuurista dawlad ey leeyihiin reer Falastiin oo ey ka soo shaqeeyaan dad khubaro ah lana dhiso maamul uu leeyahay Marinka Gaza iyo Daanta Galbeed,sidaas waxaa maanta oo Isniin ah laga soo xigtay saraakiil sare oo Masaari iyo reer Yurub ah.Hindisahaan oo ey ka soo shaqeysay dawladda Qadar kana tirsan dawladaha Khaliijka ayaa la horgeeyey Isra’iil, Xamaas,Maraykanka iyo dawladaha reer Yurub balse waxa ey u muuqataa inuu yahay mid horudhac ah. Haddii heshiiskaan uu noqdo mid meel mara waxa uu hoos u dhigi doonaa hadafkii ey Isra’iil ka lahayd dagaalka Gaza ee ahaay iney cagta mariso Xamaas,waxaane hoos u dhac weyn uu ku imaan doonaa awooda ciidan ee Isra’iil ku sii haysan karto Marinka Gaza dagaalka hadda socdo ka dib.

ISHA/POLITICO.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

MA GUULAYSAN DOONAAN XULAFADA BADDA CAS?

Next
Next

RW-NETANYAHU OO LOOGA YEERAY BAARLAMAANKA.