LUBNAAN IYO SURIYA OO IS FARA SAARAY…

(SAWIRKA)-KAARE DAGAAL.

(BEIRUT)-Saraakiisha difaaca ee Lubnaan iyo Suuriya ayaa gaaray heshiis Xabbad Joojin ah oo lagu joojinayo laba maalmood oo isku dhacyo ah oo ka socday xadka, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Dawladda Suuriya ee SANA. Heshiisku waxa kale oo uu dhigayaa "isku-duwidda iyo iskaashiga la wanaajiyey ee labada dhinac," ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee Suuriya. Madaxweynaha Lubnaan ayaa goor sii horeysay oo isniin ah amar ku bixiyay in ciidamada ay ka aargutaan halka laga soo ridayo rasaasta ka soo dhacaysa dhanka xadka Suuriya ka dib markii habeen hore uu dagaal khasaare badan dhaliyay uu ka dhacay xadka. Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in toddobo muwaadin oo Lubnaaniyiin ah ay ku dhinteen iska horimaadyadaas 52 kalena ay ku dhaawacmeen, oo ay ku jirto gabaR 4-jir ah. Dagaalka ayaa dhacay ka dib markii dowladda KMG ah ee dalka Suuriya ay ku eedeysay dagaalyahanno ka tirsan kooxda Xisbullah ee dalka Lubnaan in ay u gudbeen dalka Suuriya Sabtidii lasoo dhaafay, halkaasi oo ay ka qafaasheen saddex askari oo ay ku dileen dhulka Lubnaan. Ururka Xisbullah ayaa beeniyay in ay ku lug leeyihiin waxaana wararka qaar ay tilmaameen in qabaa’ilka deegaanka ee Gobolka xuduudda oo aan si toos ah xiriir ula lahayn Xisbullah balse ku lug lahaa Tahriibinta xuduudaha.
Wuxuu ahaa dagaalkii ugu xumaa ee xudduudaha isaga gudba tan iyo markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii hore ee Suuriya Bashaar Assad bishii Disembar. Channelka Wararka Suuriya oo soo xiganaya sarkaal ka tirsan Wasaaradda Difaaca oo aan la magacaabin, ayaa sheegay in ciidamada Suuriya ay duqeeyeen "kulamo ay Xisbullah lahaayeen oo ay ku dileen askar Suuriyaan ah" oo ku taalla xadka. Hezbollah ayaa beenisay inay ku lug leedahay bayaan ay soo saartay Axadii. Wasiirka Warfaafinta Paul Morkos ayaa sheegay in Wasiirka Difaaca Lubnaan uu ka sheegay shirka Golaha Wasiirada in saddexda qof ee la dilay ay ahaayeen mukhalasiin.
Kooxda la socota Xuquuqda Aadanaha ee Suuriya, oo fadhigeedu yahay Ingiriiska, ayaa sheegtay in shan askari oo Suuriyaan ah lagu dilay iska horimaadka Isniintii. Muuqaal lagu faafiyay khadka internetka iyo Warbaahinta Maxalliga ah ayaa muujinaya qoysas u qaxaya magaalada Hermel ee Lubnaan. Wakaalada Wararka ee dalka Lubnaan ayaa ku warantay in dagaalku fiidnimadii Isniinta uu ka dhacay meel u dhow Hermel. "Waxa ka dhacaya xuduudda bari iyo Waqooyi bari ma sii socon karto mana aqbali doono inay sii socoto," Madaxweynaha Lubnaan Joseph Cawn ayaa yiri X. "Waxaan amar siiyay ciidamada Lubnaan si ay uga aargutaan isha dabka."
Cawn waxa uu intaa ku daray in uu ka codsaday Wasiirka Arrimaha Dibadda Lubnaan, oo Brussels u joogay shir deeq bixiyayaasha Suuriya, in uu la Xiriiro saraakiisha Suuriya si loo xalliyo dhibaatada "oo looga hortago in ay sii xumaato." Rabshado ayaa dhawaan ka dhacay aagga u dhaxeeya militariga Suuriya iyo qabaa’ilka Shiicada Lubnaan ee hubeysan oo xulafo dhow la ah dowladda hore ee Asad, ee fadhigoodu yahay tuulada Al-Qasr ee dalka Lubnaan.
Warbaahinta Lubnaan iyo dadka wax indha indheeya ayaa sheegaya in qabaa’ilka ay ku lug lahaayeen afduubkii dhaliyay dagaalladii ugu dambeeyay. Ciidamada Lubnaan iyo kuwa Suuriya ayaa sheegay inay fureen jidad isgaarsiineed si loo qaboojiyo xiisadda. Milatariga Lubnaan ayaa sidoo kale sheegay in ay dib u celiyeen meydadka saddexda ruux ee la dilay oo u dhashay dalka Suuriya. Ciidamo aad u badan oo reer Lubnaan ah ayaa la soo dhoobay deegaankaasi.
Warbaahinta Lubnaan ayaa ku warantay in dagaal hoose uu dhacay subaxnimadii hore ka dib markii la weeraray baabuur ay wateen ciidamada Suuriya. Tirada dhimashada ma cadda.
Gelinkii hore ee Isniintii, afar wariye oo Suuriyaan ah oo ay ku jireen ciidamada Suuriya ayaa si fudud loo dhaawacay ka dib markii madfac laga soo tuuray dhinaca xadka Lubnaan uu ku dhacay goobtooda. Waxay ku eedeeyeen Xisbullah weerarka. Dhinaca kale, Xildhibaan sare oo ka tirsan Xizbullah Xuseen Xaaji Xasan oo wareysi siiyay Telefishinka AL-jadiid ee dalka Lubnaan ayaa ku eedeeyay dagaalyahanada ka soo jeeda dhanka Suriy inay u soo gudbeen dhulka Lubnaan, isla markaana ay weerar ku yihiin tuulooyinka xuduudka. Deegaanka uu ka soo jeedo waa Gobolka Waqooyi-bari ee Baalbek-Hermel, kaas oo ay iska horimaadyada ugu badan ka dhacay. Lubnaan ayaa raadinaysay taageero caalami ah si ay u kordhiso dhaqaalaha ciidankeeda iyada oo si tartiib tartiib ah ay ciidamadeeda u daad guraysay xudduudaha Waqooyi iyo Bari ee Suuriya iyo sidoo kale xuduudda Koonfureed ee ay la leedahay Israa'iil. Isagoo ka hadlayay Xudduudda Koonfureed Isniintii, ergeyga Qaramada Midoobay Jeanine Hennis-Plasschaert ayaa sidoo kale uga digay Golaha Ammaanka in joogitaanka joogtada ah ee ciidamada Israel ee dhulka Lubnaan, oo ay weheliyaan weerarada Israel ee socda, ay si fudud u horseedi karto "saameyn halis ah."
Isniintii, duqeymo ay Israa’iil ka geysatay dhowr goobood oo ku yaalla Koonfurta Suuriya, oo ay ku jirto magaalada Darca’a. Milatariga Israel ayaa sheegay in ay garaacayaan "xarumaha taliska iyo goobaha militariga oo ay ku jiraan hub iyo gaadiid dagaal oo uu lahaa nidaamkii hore ee Suuriya, kuwaas oo (ciidanka cusub) ay isku dayayaan in ay dib u isticmaali karaan." Tan iyo markii la riday Bashaar Al-Asad, ciidamada Israa’iil waxay qabsadeen dhul ku yaalla Koonfurta Suuriya, taasoo ay Israa’iil ku sheegtay tallaabo ay ku ilaalinayso xuduudkeeda.
Difaaca Madaniga ah ee Suuriya ayaa sheegay in saddex qof ay ku dhinteen 14 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo ay ku jiraan afar carruur ah, qof dumar ah iyo saddex mutadawiciin ah oo difaaca rayidka ah.

ISHA AN.

Previous
Previous

CARUUR IYO DUMAR KU HOOBTAY WEERARADA ISRA’IIL.

Next
Next

URURKA XIZBULLAH OO AFDUUBAY CIIDAMO SURIYA AH