LONDON OO LABA MAALIN LAGA KALA CIDAAYO.

(SAWIRKA)-MUSLIMIINTA LONDON OO DUKANAAYO SALAADA CIIDA.

(LONDON)-Muslimiinta ku nool dalka Ingiriiska ayaa la soo sheegayaa ineysan hal maalin wada Dukan doonin Salaada Ciida Carafo ee Sannadkan-1444/2023-ka waane markii ugu horeysay ey Muslimiinta ku nool dalka Ingiriiska isku raaci waayaan iney wada dukadaan hal maalin ciidaha Soon fur iyo tan Carafo. Mushkilada ma aha Muslimiinta ku nool Ingiriiska ineey garan waayeen iney isku racaan iney wada Ciidaan hal maalin ee mushkilada ayaa ah mid ey ka dambeyaan kuwa hogaamiyo Masaajida dalka Ingiriiska tusaale ahaan Masjidka ku yaalo Bariga London waxaa Salaada Ciida Carafo lagu dukan doonaa 28/6/23-ka kuna beegan Arbacada soo socoto halka Masjidka Manchester Centre lagu dukan doono 29/6/23-ka kuna beegan maalinta Khamiista ee inagu soo fool leh,sidaas waxaa lagu soo xigtay Wargayska The times ee cariga Ingiriiska. Ogow in dalka Sacuudiga laga Ciidi doono maalinta Arbacada 28/6/23-ka kuna beegan Arbacada soo socoto.

ISHA WARKA ARABIC.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Previous
Previous

ITOOBIYA OO EEDEYSAY MASAR.

Next
Next

BEN GVIR:WAA IN DHULKA LALA SIMAA…