LIIBIYA: BOOLISKA ANSHAXA OO HAWLGELAAYA.
(SAWIRKA)-BOOLISKA DALKA LIIBIYA.
(TRIPOLI)-Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Liibiya ayaa ku dhawqay in dib loo soo celinaayo Booliska Anshaxa ee wadooyinka si loo dhaqan geliyo waxa uu ugu yeeray ‘Dhaqanka Bulshada”loona xakameeyo xuriyadda dhaqdhaqaaqa Haweenka. Arbacadii la soo dhaafay ayuu Cimaad Tarabulsi wuxuu sheegay roondada ey dib u bilaaban doonto bisha soo socoto,waxa eyna bartilmaameedsan doontaa dadka ey timaha ugu jaran yihiin sida Foosha Xun,haweenkana waa iney hubiyaan iney xirtaan dhar asturan oo ey kaga hortegayaan isku dhafka dadka kala ajaaniga ah ee ku kulmaayo goobaha guud. Sidoo kale,Tarabulsi ayaa soo jeediyey in haweenka laga mamnuuco iney u safraan gudaha dalka iyagoo aan haysan amaba uusan la socon nin masuul ka ah,waxa uu intaas raaciyey Tarabulsi “kuwa doonaayo xuriyadda shaqsi ahaaneed waa iney tagaan YURUB”. Dalka Liibiya ayaa waxaa wajahday xasilooni darri qoto dheer tan iyo kacdoonkii NATO ey taageereysay xukunka looga tuuray Madaxweynihii dalka Liibiya Mucamara Alqadaafi sannadkii 2011-kii. Sannadkii 2014-kii, dalka Liibiya ayaa u kala jabay laba kooxood oo kala ah Bari iyo Galbeed,mid walbane maamulkiisa isaga ayaa u madax banaan waane ey iska soo horjeedeen labada maamul ee ka kala dhisnaay Bari iyo Galbeed ee dalka Liibiya.
ISHA-MEE.