LIBNAAN: 10-QOFOOD OO KU DHIMATAY DAGAAL KA DHACAY XERADA…
(SAWIRKA)-XERADA CEYNUL XILWE EE UU DAGAALKU KA SOCDO.
(BEIRUT)_Waxaa soo cusboonaaday dagaalkii u dhexeeyey kooxaha reer Falastiin ee ku dagaalamayey Xerada Qaxootiga ee Ceynul Xilwe ee Koonfurta dalka Libnaan ka dib markii ey maanta halkaasi soo gaareen saraakil sare oo ka socootay reer Falastiin si ey u joojiyaan dagaalkii sii fidaayo uuna ku daadanaayo dhiiga faraha badan. Xerada Qaxootiga ee Ceynul Xilwe ayaa dagaalku ka soo bilawday bishii Luuliyo-23-ka waxa uuna dagaalka Xerada Ceynul Xilwe u dhexeeyaa kooxaha AL-Fatax ee Jabhada Xureynta reer Falastiin(PLO) iyo kooxo is biirsaday oo Islaamiyiin ah kana soo kala jeedo Xamaas iyo Jihaad AL-Islaami.
ISHA/ARAB.