LIBIYA:DHIMASHADA WAA 6-KUN OO QOFOOD.
(SAWIRKA)-BURBURKI EY GAYSTEEN DABAYSHI DANIEL IYO BIYIHI KA SO FATAHAY BIYA XIREENKA DARNA’A.
(TRIPOLI)-Xogaha laga helaayo dalkaasi Libiya ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Golaha Sare ee dalka Libiya Maxamed AL-Manfi iyo Reysal Wasaare C/xamiid Dabibah ey si wadajir ah u amreen in baaris deg deg ah oo dhammaystiran in lagu sameeyo sababta keentay inuu soo dumo Biya Xireenka Darna’a ee ku yaalo bariga dalka Libiya waqtigii ey socotay dabaysha”Daniel”ee xooga badneed,sida laga soo xigtay labada masuul maanta oo Arbaca ah(13/9/23)-ka. Wasiirka caafimaadka dalka Libiya Sacad C/wakiil ayaa sheegay in dadka geeryooday ey gaarayaan ilaa 6-kun oo qofood halka dadka la la’ayahay ey gaarayaan ilaa kumanaan qofood,welina waxaa socdo qoritaanka dadka dhintay iyo kuwa la la’ayahay.
ISHA/ARAB.