LIBIYA OO DALKEEDA KA TARXILEYSA…
SAWIRKA MUHAAJIRIINTA KU SUGAN LIBIYA.
(TRIPOLI)-Sida ey sheegeen masuuliyiin amni oo reer libiya ah kuna sugan bariga dalka Libiya waxaa dalka Libiya laga tarxiili doonaa dad gaaraayo ilaa iyo 12-kun qofood oo dhammantood ah muhaajiriin aan sharci ahayn waxa eyna ka kooban yihiin jinsiyado kala duwan oo ka soo kala jeedo Qaaraddaha Afrika iyo Asiya waxaane dadkaasi ka mid ah boqolaal Masar iyo Suriyiin ah,goobta dadkaan ey ku sugan yihiin hadda ayaa ah goob kala qeybiso dalalka Masar iyo Libiya,warkaan ayaa soo shaac baxay shalay oo Khamiis ahayd. Masuuliyiinta reer Libiya ah oo la qariyey magacyadooda ayaa sheegay in dawladda Masar ogolaatay iney qaabisho dadka u dhashay Masar oo kaliyah sabab aan la sheegin,dadkaan muhaajiriinta ah ayaa intooda badan ah kuwa rabay iney u tahriibaan Qaaradda Yurub ayagoo sii maraayo badda isku xirta dalalka Libiya iyo Talyaaniga.
ISHA WARKA ARABIC.