LIBIYA DOORASHO MAKA DHICI DOONTAA?
(SAWIRKA)-CAASIMADA LIBIYA EE TRIPOLI.
(TRIPOLI)-Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe u qaabilsan dalka Libiya Cabdallah Baatili ayaa shalay oo Isniin ahayd waxa uu Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ku qalqaaliyey sidii cadaadis loo saari lahaay kooxaha isku haayo talada dalka Libiya si ey u cadeeyaan mawqifkooda ku aadan waxyaabaha loo baahanaan doono siyaasad ahaan si doorasho looga qabto dalka uu halakeeyey dagaalka ee Libiya. Juhdiga ey wado Qaramada Midoobe waa mid sii soconaayo ayuu yiri Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe Cabadallah si loo soo afjaro kala fikir duwanashaha u dhexeeyo hogaamiyeyaasha Libiya si loo qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo tan madaxweynaha taaso aan dalka Libiya laga qaban tan iyo Disembar-2021-kii.
ISHA WARKA AA.