LABA WASIIR OO ISRA’IIL AH OO LOO DIIDAY FIISAHA SACUUDIGA.
(SAWIRKA)-WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA ISRA’IIL ELI COHEN.
(RIYAD)-Dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa la sheegay inuu u diiday dal ku gal(VISA) laba Wasiir oo ka tirsan xukuumadda Reysal Wasaare Netenyahu ee dalka Israa’iil, Wasiirada ayaa rabay iney ka qeybgalaan fadhiga hayadda UNESCO ee todobaadka dambe lagu qabanaayo magaaladda caasimadda ah ee Riyad, sidaas waxaa laga soo xigtay warbaahinta dalka Israa’iil. Kanaal 13-aad ee dalka Israa’iil ayaa sheegay shalay oo Isniin ahayd(4/9/23)-ka in dalka Boqortooyada Sacuudiga uu u diiday inuu fiisa(VISA) siiyo Wasiiradda kala ah kan Arrimaha Dibadda Eli Cohen iyo kan Waxbarashada Yaov Kisch.
ISHA/ARAB.