LABA NIN OO KU DHINTAY XABSIYADA XUUTIYIINTA.
DAGAALKA YEMAN.
(YEMAN)-Laba mawaadin oo u dhashay dalka Yeman eyna afduubeen Xuutiyiinta ayaa ku geeriyooday goobtii ey ku xireen ka dib markii jirdil loogu gaystay Xabsigii lagu haayey sidaas waxaa laga soo xigtay hayadaha u dooda xuquuql insaanka kuna sugan dalka Yeman iyo warbaahinta dalkaasi. Geerida labadaan qofood ayaa waxaa ka dhashay carro aad u sareyso waxaane Xuutiyiinta laga codsaday ineey sameeyaan baaritaan si kuwii gaystay dilka loo horgeeyo cadaaladda lana dedejiyo wada hadalada iyo isdhaafsiga maxaabiista.
ISHA WARKA ARAB NEWS.