KUWEYT OO YEELATAY XUKUMAD CUSUB.
AMIIRKA KUWEYT.
(KUWAIT)-Reysal Wasaaraha dalka Kuweyt Sheekh Axmed Nawaaf Al-Axmed Al-Sabaax ayaa soo dhisay xukuumad cusub uu yeelanaayo dalka Kuweyt maanta oo Axad ah(9/4/23)-ka golahaan cusub ayaa waxaa ka mid ah 14-Wasiir sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka u faaiso dalka Kuweyt ee KUNA. Reysal Wasaare Sheekh Axmed ayaa waxaa dib loo magacaabay bishii Maarso-2023-ka laba bil uun ka dib markii ey xukuumadiisa isqabteen baarlamaanka isna casishay.
ISHA WARKA AA.