KOOXAHA KIRISHTAANKA LIBNAN OO KU BAAQAY…
(SAWIRKA)MALEESHIYAADKA DALKA LIBNAAN
(BEIRUT)-Hogaamiyeyaash ugu sareeyo kooxaha haysto diinta Kirishtaanka ee dalka Libnaan ayaa xukuumadda ugu baaqay in la xakameeyo hubka maanta oo Axad ah maalin uun ka dib markii uu dhacay iska horimaad dad ku dhinteen una dhexeeyey koox Kiristaan oo joogay tuuladooda iyo koox si aad ah u hubaysneed kana tirsan ururka Xizbullah ey taageerto dawladda Iraan,dagaalka ayaa yimid ka dib markii baabuur qaada xamulka oo siday rasaas ey iska leeyihiin maleeshiyaadka Xizbullah uu ku gadoomay tuulada ey ku sugnaayeen Kiristaanka. Xubno ka socday ururka Xizbullah iyo Kiristaanki deganaay tuuladda ayaa is dilay maalintii Arbacada ee la soo dhaafay waxa eyna isdhaafsadeen rasaas gudaha tuuladda Kahaleh una dhaw caasimadda Beirut,dagaalka ayaa yimid ka dib markii uu gadoomay gaari xamuulka qaada oo siday rasaas ey iska leeyihiin ururka Xizbullah markii uu maraayey aaga tuuladda ey degan yihiin Kirishtaanka.
ISHA/ARAB NEWS.