KOONFUR AFRIKA OO KA HADASHAY DAGAALKA GAZA.

(SAWIRKA)-BURBURKA SOO GARAY GAZA.

(SOUTH AFRICA)- Dalka Koonfur Afrika ayaa waxa uu si kulul uga hadlay xaaladda ka taagan Marinka Gaza ee dhulak reer Falastiin,Koonfur Afrika ayaa soo jeedisay in dhulka Falastin la geeyo xoogag Nabad Ilaalineed kana socda qaramada Midoobe oo ka hawlgala Marinka Gaza si halkaasi badbaado ugu helaan dadka rayidka ah una badan caruurta iyo dumar ee aan qeybta ka ahayn dagaalka u dhexeeyo Xamaas iyo Isra’iil ee hadda galay todobaadkiisii seddexaad oo is daba joog ah. Arrintaan ey soo jeedisay Koonfur Afrika ayaa waxaa soo dhaweeyey wadamo fara badan oo caalamka ah kuwaaso horay u dalbaday in la joojiyo dagaalka Gaza ka socdo kaaso aan la aqoon halka uu ku dhammaan doono iyo cabsida ah inuu ku sii fido dhul hadda nabada ah kana tirsan madiqadda bariga dhexe.

ISHA/ARABIC.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

DALKA CUMAAN OO BAABI’IYEY HESHIISKII ABRAM.

Next
Next

WEEERARKA DHULKA EE GAZA LAGU QAADAY.