JARMALKA IYO SWEDEN OO EEDEYMO U SOO JEEDIYEY…
(SAWIRKA)-BANAANBAXAYAAL SUURIYAAN AH.
(SWEDEN)-Baarayaal ka kala socdo dalalka Jarmalka iyo Sweden ayaa Arbacada maanta ah xiray sideed qof oo looga shakisan yahay iney gacan saar la leeyihiin Nidaamka ka taliyo dalka Suriya ee uu hogaamiyo Bashaar AL-Asad,dadkaan ayaa lagu soo eedeeyey iney ka qeyb qaateen dembiyo ka dhan ah bani’adanimadda Suriya,sida ey sheegeen dacwad oogayaasha labada dal Sweden iyo Jarmalka. Eedeysanayaasha ayaa lagu soo eedeeyey iney ka qeyb qaateen “rabshado ka dhan ah dibadbax nabadeed oo dawladda Suriya looga soo horjeeday”dibadbaxyada ayaa ka dhacay Degmada Yarmuuk ee magaaladda caasimadda ah ee Dimishiq taariikhdu markeey ahayd 13/7/2012-kii,sidaas waxaa yiri xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Federaalka Jarmalka. Xeer ilaalintu waxa ey sheegtay in afar qof oo Falstiiniyiin Suriyaan ah lagu xiray dalka Jarmalka “in si adag loogu tuhunsan yahay dilka iyo isku dayga dilka dad rayid ah kuwaaso u qalma dembiyo ka dhan ah bani’adanimada iyo dembiyo dagaal”. Xeer ilaalinta waxa ey Falastiiniyiin Suriyiinta ah ku magacawday Jihaad A,Maxamud A,Samiir S iyo Waa’il S. Mawaadinka Suriyaanka ah ayaa la rumaysa yahay inuu u shaqeyn jiray Sirdoonka Mileteriga Suriya.
ISHA/NA.