ISRA’IIL OO XIRTAY MAWAADINIIN MARAYKAN AH.

(SAWIRKA)-BANANBAXAYAAL IYO ASKARTA ISRA’IIL.

(WASHINGTON)-Ciidamada difaac Isra’iil ayaa magaaladda Gaza ku xiray laba wiil oo dhallinyara ah oo walaala ah haystana dhalashada dalka Maraykanka iyo Aabahood oo haysta dhalashada dalka Kanada,wiilshaan iyo aabahood ayaa lagu soo qabtay hawlgal dhacay habeen hore eyna qaadeen ciidamadda dalka Isra’iil gudaha Marinka Gaza,sidaas waxaa sheegay eheladda dadka la xiray. Sarkaal ka tirsan Safaaradda Maraykanka ee magaaladda Qudus oo khadka Telefoonka kula xiriiray Washington ayaa sheegay in saraakiisha Maraykanka ey ka warhayaan xaaladda,eyna dabagal ku sameynayaan maamulka Isra’iil. Sargaalka ka tirsan Safaaradda ayaan bixin wax faah faahin ah,waxaane la soo afjaray Telefoonka ayadoo aan la sheegin magaca Sarkaal ka tirsan Safaaradda Maraykanka. Borak AL-Cagli oo 18-jir iyo Haashim AL-cagli oo 20-jir ah waa laba walaala ah oo ku dhashay Chicago ee dalka Maraykanka waxa eyna ka mid yihiin 50-mawaadin oo Maraykan ah oo la og yahay iney weli isku dayayaan iney ka baxaan Marinka Gaza oo xiran iyadoo dagaalka u dhexeeyo Xamaas iyo Isra’iil uu galay bishiisii shanaad. Tiro badan oo kale oo haysata Kaarka Cagaaran(Green Card) ee dalka Maraykanka iyo qaraabada u dhaw mawaadidiinta iyo kuwa haysta deganaanshaha joogtada ah ayaa sidoo kale weli la halgamaayo oo awoodin iney baxaan,in kastoo Maraykanku uu codasady,sida ey qabaan qoysaskooda iyo u doodayaasha Maraykanka.

ISHA/AP.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

YEMAN: UK IYO US OO LABA JEER WEERARAY XUUTIYIINTA.

Next
Next

BAQDAAD: DUQEYN LAGU SARKAAL SARE OO KA TIRSAN…