ISRA’IIL OO WEERARTAY DALKA SUURIYA.

(SAWIR)-KA.DHISMO KU BURBURAY WEERARKA ISRA’IIL.

(BEIRUT)-Wasaaradda difaac dalka Suuriya ayaa sheegtay in weerar cirka ah oo ey Isra’iil maanta oo Arbaca ah ku dishay Gabar eyna ku dhaawacday 10-Qof oo kale oo rayid ah xeebta dalkaas,iyadoo kormeere dagaal uu sheegay in weerar kale lagu dilay seddex dgaaalayahan oo taageersan Ururka Xizbullah. “Cadawga Isra’iil ayaa weerar cirka ah ka soo qaaday dhanka dalka Lubnaan,iyagoo beegsaday bar dhexe iyo dhismo dad degan yihiin kuna yaalo magaaladda Baniyas ee gobolka xeebta halkaas ey ku dileen gabar iyo dhaawac10-Qof oo rayid ah”,ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Wasaaradda difaac dalka Suuriya. Kormeerayaasha dagaalka dalka Suuriya ayaa sheegay in gabar la dilay ka dib markii Gentaal ey Isra’iil soo tuurtay iyo Gentaal difaac cirka Surriya ey isla qarxeen dabadeedna ee kuwada dheceen Xeebta. “Laba qarax ayaa dib uga dhacay …magaaladda xeebta ku taalo ee Baniyas,waxaa ku dhintay gabar”,ayuu yiri kormeeraha fadhigiisu yahay Ingiriiska kaaso tirada dadka rayidka ah ee dhaawaca ah ku sheegay in ka badan labaatan Qof. Kormeeraha ayaa sheegay in “Qaraxyadu ka dhasheen Gentaal Isra’iil leedahay iyo Gentaal difaac cirka ee Suuriya oo soo dhacay”. Kormeerka ayaa sidoo kale sheegay in duqeynta ey Isra’iil ka gaysatay bartamaha Suuriya ey ku dileen seddex dagaalyahan oo Suuriyiin ah oo la shaqeynaayey Ururka Xizbullahi ee dalka Lubnaan.

ISHA/AN.

SII AKHRI.

Previous
Previous

HAYADDA SAMAFALKA EE JIKOOYINKA ADDAUUNKA OO..

Next
Next

ISRA’IIL OO GUDBOSAY CODSIGEEDA WADA XAAJOODKA.