ISRA’IIL OO SOO BANDHGTAY QORAALO SIR AH.

(SAWIRKA)RW-GOLDA MEIR.

(TEL AVIV)-Keydka dawladda Isra’iil ayaa jimcihii ku dhawaaqay daabacaada tobanaan dukuminti oo sir ah oo laga helay wada xaajoodyadii dhexmaray dalalka Isra’iil iyo Suriya 50-sano ka hor,wada xaajoodkaas ayaa waxaa dhexdhexaadinaayey Xoghayihii hore ee Arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka Henry Kissinger. Keydka Isra’iil oo ah unugyo hoos yimaado Xafiisla Reysal Wasaaraha ayaa soo saaray daabacaad dheeraad ah oo soo koobtay “Dagaalkii Yom Kippur:Xukuumadda Golda Meir iyo wada xaajoodyada heshiiska kala soocidda ciidamadda ee Suriya.Janaayo ilaa Meey-1974-kii”. Daabacaada ayaa ku dhawaad waxaa ku jiro 40-dukuminti oo laga soo ururiyey keydka oo ey ku jiraan qoraaladda shirarka dawladda ee mudada wada xaajoodka kuwaaso dhawaan loo furay daraasad. Dukumentiyadda ayaa la xiriiro dhexdhexaadintii uu Henry Kissiger ka dhex weday Reysal Wasaarihii hore ee Isra’iil Golda Meir iyo Madaxweynihii hore ee Suriya Xaafid AL-asad.

ISHA/AA.

HALKAN KA AKHRI.

Previous
Previous

ISIS OO ASKAR KU DISHAY CIRAAQ.

Next
Next

DAWLADDA MASAR OO KA DIGTAY IN DAGAALKA MARINKA GAZA UU SII SOCDO