ISRA’IIL OO RABTA IN GAZA LOO GACANGELIYO FATAX.
(SAWIRKA)-MAAJID FARAJ.
(GAZA)-Marka laga hadlaayo arrimaha Falastiin waxaa waajib ah inaan maskaxda ku hayno in Falastiin kala qeybsan tahay lana kala safan tahay Jabhadda Fatax ee uu hogaamiyo Maxamuud Cabaas iyo Ururka Xamaas,dagaal culus oo aan waxba la isula harin ayaa dhexmaray labadaan kooxood ee reer Falastiin,dagaalka ayaa yimid ka dib markii la isku qabtay cidda maamulayso Marinka Gaza ee hadda uu ka socdo dagaalka qaraar,dagaalkaasi waxaa looga itaal roonaaday kooxd Fatax waxaane laga saaray Marinka Gaza. Maamulka Gaza ayaa waxaa gacanta ku haayey Xamaas marki uu qarxaayey dagaalka Gaza 7/10/23-kii waane halka Isra’iil ey isha weli ku hayso inaan mar dambe laga soo weerarin, si midaasi ugu hirgasho Isra’iil ayey olole ugu jirto sidii Amaanka Marinka Gaza gacanta loogu gelin lahaay Jabhadda Fatax ee uu hogaamiyo Maxamuud Cabaas ee hadda ah Madaxweynaha Falastiin ee la aqoonsan yahay,waa maxay qorshaha Isra’iil ee Marinka Gaza dagaalka ka dib? Maajid faraj waa Madaxa Sirdoonka ee maamulka Falastiin ee uu caalamku aqoonsan yahay,waxaane lagu soo waramayaa inuu yahay maamulaha Marinka Gaza dagaalka ka dib,Faraj ayaa caan ku ah la shaqeynta saraakiisha ciidamadda Isra’iil waxaane loo arkaa inuu yahay Madaxweynaha Falastiin marka uu dhammaado waqti xileedka Maxamuud Cabaas.
ISHA/MEE.