ISRA’IIL OO DIIDAY XABAD JOOJIN.

(SAWIRKA)DAGAALKA GAZA.

(GAZA)-Sida uu sheegay maanta oo Isniin ah(16/10/23)-ka Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Falastiin tirada dadka ku dhintay weerarada cirka ah ey diyaaradaha dagaalka ee Isra’iil ku qaadayaan Marinka Gaza ayaa ilaa hadda waxaa u dhintay dad gaaraayo ilaa 2,808-qofood,boqolkii lixdan iyo afar(64%) dadka dhintay waa Dumar iyo Caruur. Ugu dhawaan 11-kun qofood ayaa ku dhaawacantay isla weerarada cirka ey gaysanayaan diyaaradaha dagaalka Israa’iil,xafiiska Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamiin Neteenyahu ayaa maanta oo Isniin ah diiday in Marinka Gaza laga sameeyo xabad joojin si gargaar loo gaarsiiyo dadka ku go’doonsan Marinka Gaza ey ka mid yihiin dad Ajaanib ah oo doonayo iney isaga baxsadaan dagaalka u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo Israa’iil una gaaraan dhulka Masar.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

500-QOFOOD OO REER FALASTIIN AH OO HAL MEEL KU DHIMATAY.

Next
Next

LIBNAAN OO DACWAD KA GUDBISAY ISRAEL.