ISRA’IIL OO DIIDAY INEY FIISO SIISO SHAQAALAHA GARGAARKA.
(SAWIRKA)-BAABUURTA QAADA GARGAARKA.
(TEL AVIV)-Wararka ka imaanayo dalka Israiil ayaa sheegaayo in maamulka Isra’iil ey diideen iney Fiisooyinka u cusub siiyaan shaqaalaha Gargaarka caalamiga ah ee ka hawlgala Marinka Gaza iyo Daanta Galbeed. Sida laga soo xigtay Wargayska Isra’iil leedahay ee la yiraahdo”HAARETZ” Wasaaradda Daryeelka iyo Arrimaha Bulshada ee Isra’iil waxa ey diidan tahay iney ansixiso Waraaqaha lagama maarmaanka u ah in la cusbooneysiiyo Fiisaha. Tani waxa ey soo bilaabat bishii Janaayo-2024-ka iyadoo Hayadda dadweynaha iyo Socdaalka ey diiday iney ogolaato codsiyadda Fiisaha iyadoo aan ogolaansho laga helin Wasaaradda Daryeelka iyo Arrimaha Bulshada. Dal ku galka ayaa markii hore si toos ah loo kordhiyey ilaa 8-da bishaan Feberaayo sabab la xiriirto dib u dhac ku yimid hawshaan.
ISHA/ARAB.