ISRA’IIL OO DAMACSAN INEY WEERARTO XERADA FARAX.

(SAWIRKA)-XERADDA RAFAX EE REER FALASTIIN.

(QAHIRA)-Taliyaha Guud ee ciidamadda difaac Isra’iil Herzi Halevi iyo Agaasimaha Hayadda Amaanka Shin Bet Ronen Bar ayaa todobaadkii hore booqasho ku tegay caasimadda dalka Masar ee Qaahira si ey dalka Masar ugu xaqiijiyaan in Isra’iil qaadi doonto tlaabooyin lagu xaqiijinaayo in hawlgalka Rafax uusan abuuri doonin qulqulka Qaxootiga oo reer Falastiin ee soo gelaya dalka Masar,arrintaan ayaa waxaa wargayska AXIOS ee dalka Maraykanka uga waramay saraakiil Maraykan ah. Booqashada heerka sare ee sarkaalka ugu sareeyo ciidamadda Isra’iil waxa ey muujinaysaa muhimadda ey dawaladda Isra’iil siineyso xiriirka amaan ey la leedahay dalka Masar,taaso horay uga digtay in barakicinta reer Falastiin ee gacanka Siinaay iney horseedi doonto burbur ku yimaado xiriirkii ey Masar la lahayd Isra’iil.

ISHA/AXIOS.

HALKAN KA AKHRI.

Previous
Previous

XUKUUMADDA FALASTIIN OO SI-CASISHAY MAANTA.

Next
Next

NIN ISKU HOR GUBAY SAFAARADDA ISRA’IIL EE WASHINGTON DC.