ISRAEL OO WEERARTAY GAROONKA DIMISHIQ.
WEERARKII DIYAARADAHA ISRAEL EE DIMISHIQ.
(DIMISHIQ)-Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa weerar dhinaca cirka ah waxa ey ku qaadeen garoonka caalamiga ah ee Dimishiq ee dalkaasi Suuriya maanta oo Isniin ah,weerarka ayaa waxaa ku dhintay 4-qofood ayna ka mid yihiin laba askeri oo Suuriyaan ah sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha ee dalka Suuriya. Sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka u faafiso dalka Suuriya ee SANA weerarka yaa dhacay labadii subaxnimo(2:00)AM ee waqtiga dalka Suuriya,waxa uuna weerarka sababay in garoonka caalamiga ah ee Dimishiq iney istaagaan hawlihiisa gebi.
ISHA WARKA AA.