ISRAEL OO WEERAR CIRKA AH KU QAADAY…
MARINKA GAZA.
(GAZA CITY)-Israel ayaa waxa eey maalmihii la soo dhaafay weerar cirka ah ku waday Marinka Gaza ee dhulka reer Falastiin,weerarkaan ayaa waxaa lagu dilay 13-qofood oo Falastiiniyiin ah waxa uuna socday tan iyo maalintii shalay oo Jimca ahayd sidaas waxaa sheegay Wasiirka caafimaadka ee reer Falastiin. Afhayeenka Wasaaradda Caafimaad Falastiin Ashraf Al-Qudra ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay Marinka Gaza ka sheegay in gabar shan sano jir ah eey ka mid tahay dadka dhibanayaasha u ah weerarada diyaaradda Israel ka gaysteen Marinka Gaza.
ISHA WARKA AA.