ISRAEL OO QIRATAY IN LAGA DILAY 14-ASKERI.
(SAWIRKA)-14-ASKERI OO ISRAEL AH OO LA DILAY DHAMMAADK TODOBAADKA.
(TEL AVIV)-Wararka laga helaayo caasimadda Isra’iil ee Tel Aviv ayaa sheegaayo in Ciidamadda Difaaca Isra’iil ey maanta oo Axad ah ey ku dhawaaqeen magacyada sagaal askeri oo looga dilay dagaaladdii ka dhacay Marinka Gaza maalmihii la soo dhaafay oo dhan,taaso ka dhigaysa trada askarta la dilay dhammaadka todobaadka ilaa 14-askeri kana wada tirsan Ciidamadda Difaaca Isra’iil,Mileteriga ayaa waxa uu sii xoojiyey weerarada ka dhanka Xarakada Xamaas. Shan askeri oo ka tirsan jabhadda loo yaqaano Combat Engineering Corps iyo mid ka mida shaqaalaha caafimaadka ayaa ku dhintay Gantaal la hagaayey kaaso ku dhacay gaari gaashaaman uu la socday Eng.Namer Koonfurta Marinka Gaza. Afar kale ayaa iyagana lagu dilay bambooyin laba dhacdo oo kala duwan ah intii uu socday dagaalka u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo ciidamadda difaac Isra’iil bartamaha Gaza. Tirada dhimashada ciidamadda difaaca isra’iil tan iyo markii uu bilawday dagaalka Marinka Gaza ayaa gaareyso ilaa153-askeri.
ISHA/THE TIMES.