ISRAEL OO JOOJISAY SAFARKA WASIIR RIYAD.
WASIIR RIYAD AL-MALIKI.
(RAMALLAH)-Tan iyo markii uu talada Israel la wareegay Reysal Wasaare Netanyahu waxaa isa soo taraayey nacaybka loo qabo dadka reer Falastiin waxaane dhulka Falastiin ka bilawday iska horimaadyo u dhexeeyo shacabka Falastiin iyo ciidamadda Israel. Israel ayaa waxa ey qorseysay ineey cunaqabteyn saarto qaar ka mida masuuliyiinta reer Falastiin,hadaba Israel ayaa joojisay maanta oo Aaxad ah aqoonsiga uu ku safro Wasiirka Arrimaha Dibadda Falastiin Riyad Al-maliki,arrintaan ayaa jawaab u ah isku dayga ey masuuliyiinta reer Falastiin ku doonayaan ineey dacwad u gudbiyaan Maxkamada Cadaaladda Caalamiga.
ISHA WARKA AA.