ISRAA’IIL OO MARKII UGU HOREYSAY WEERARTAY YEMAN.
(SAWIRKA)DEKEDDA XUDEYDAH EE DALKA YEMAN.
(YEMAN)-Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa maanta oo Sabti ah duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyey dalka Yeman iyagoo uga aargudanaayo weerarkii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ey Xuutiyiinta Yeman ku qaadeen magaaladda Tel Aviv khamiistii la soo dhaafay,sida ey sheegeen saraakiil Maraykan iyo Israa’iil ah. Waa markii ugu horeysay oo Israa’iil ey si toos ah u weerarto Yeman oo ah wadan in ka badan kun Meyl u jira Israa’iil. Xuutiyiinta oo ah koox Islaami ah oo taageero ka helaayo dalka Iraan ayaa dhibaato iyo weeraro ku haayo Maraakiibta Ganacsiga ee maraysa Badda Cas muddo bilo ah iyagoo ka jawaabaayo dagaalka Israa’iil ey ka wado Marinka Gaza. Saraakiisha Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa sheegay in Duqeynta Israa’iil ey ku garaacday Xarumo shidaal oo ku yaalo dekedda Xudeydah oo ey maamulaan Xuutiyiinta. Telefishanka laga leeyahay dalka Boqortooyadda Sacuudiga ee AL-Carabiya Barnaamijkiisa AL-Xadath ayaa sheegay in seddex qofood ey ku dhinteen 15-kalane ey ku dhaawacmeen weerarka Israa’iil ee magaala Xeebeedka Xudeydah. Sida uu sheegay afhayeenka Xuutiyiinta dalka Yeman Yaxye AL-Sariic, Israa’iil ayaa weerarkeeda waxa ey u isticmaashay ilaa 13-diyaaradood oo kala ah F15 iyo F16,kuwaaso weerarkooda la beegsaday dekedda Xudeyda ee Galbeedka dalka Yeman. NALA SOCO WIXII KA SOO KORDHO.
ISHA/AXIOS.