ISRAA’IIL OO MAR KALE BARAKICINEYSA..

(SAWIRKA)-KHAAN YOONIS OO LAGA QAXAY MAR KALE.

(GAZA)-Ugu yaraan 70-falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay in ka badan 200-kalane waa lagu dhaawacay weeraro balaaran oo ka dhacay Bariga Khaan Yoonis maanta oo Isniin ah,ka dib markii ey Israa’iil amartay in laga guuro Aagaas. Wasaaradda Caafimaad ee Marinka Gaza ayaa sheegtay in Xarunta Caafimaad ee Naasir ee u dhaw ey heshay meydadka 70-qofood iyo 200-qofood oo dhaawac ah,khaasarahaan ayaa ka dhashay weeraro dhacay subaxnimadii saakay oo dhan,waxaane isbitaaladda la geeyey dad fara badan. Falastiiniyiinta ku nool Bariga Khaan Yoonis ayaa lagu qasbay iney ka guuraan una guuraan Galbeedka AL-Mawasi iyadoo la raacaayo amaradda cusub ee ciidamadda Israa’iil kuwaaso sii yareynaya “Goobaha Bani’adanimada”ee AL-Mawasi oo ey si is daba joog ah u bartilmaameedsanayaan ciidamadda Israa’iil uuna ka mid yahay weerarkii cuslaay ee dhacay horaanti bishaan Luuliyo kaaso ey ku dhinteen ilaa 71-qofood. Saxafiyiinta Maxaliga ah ayaa soo sheegay in madaafiicda goobta lagu garaacay daqiiqadood yar ka dib markii la soo saaray amarada cusub,taaso keentay in dadku ey waqti yar u helaan iney si nabad ah uga guuraan.

ISHA/NA.

SII AKHRI.

Previous
Previous

DALKA IMAARAATKA OO XUKUNO KALA DUWAN KU RIDAY..

Next
Next

XUUTIYIINTA OO G/CAMRAAN KU DILAY WIIL…