IS RASAASEYN KA DHACDAY BEYRUUT.
(BEYRUUT):Dalka Libnaan caasimadiisa Beyruut waxaa maanta ka dhacay rabshado eey ku dhinteen dad gaaraayo lix qofood eeyna ku dhaawacmeen in ka badan sodon qofood,argagax iyo cabsi wada socdo ayaa taabatay dadka reer Beyruut maanta ka dib markii eey bilaabatay is rasaaseyn u dhexeyso taageerayaasha uruuka Xisbullaahi iyo dhaqdhaqaaqa Amal meel u dhaw qasriga cadaaladda.Boqolaal taageerayaal u ah labada koox ee shiicadda ah ee isugu yimid ineey u banaanbaxaan sidii xilka looga qaadi lahaay Dhaariq Bitaar oo ah madax garsoorka baarayaayo qarxii ka dhacay dekadda Beyruut.XIGASHO ANADOLU.