IRAAN OO ISKU DAYDAY INEY AFDUUBTO…
(SAWIRAK)MARAAKIIBTA MARAYKANKA EE ILAALISA GACANKA CUMAAN.
(OMAN)-Sida ey sheegeen ciidamadda badda ee dalka Maraykanka kuna sugan biyaha gacanka Cumaan maanta oo Arbaca ah(5/7/23)-ka,doomaha dheereyo ee laga leeyahay dalka Iraan eyna isticmaalaan Ilaaladda Kacaanka Iraan ayaa isku dayey iney xoog ku afduubtaan mid ka mida laba markab oo siday shidaal,markabka la isku dayey in la qabsado ayaa ka soo baxay dalka Imaaraatka Carabta waxa uuna ku socday dalka Singabuur,waxaane iska leh dalka Giriiga balse waxa uu watay calanka Bahaama. Ciidamadda Maraykanka ee ku sugan biyaha Gacanka Cumaan ma aha markii ugu horeysay ey sameeyaan difaaca maraakiibta marta biyaha caalamiga.
ISHA/ARABIC.