IOM-ta OO KA HADASHAY MUHAJIRIINTA.
MUHAAJRIRIIN KA YIMID AFRIKA-XEEBAHA YEMEN.
(NAIROBI-KENYA)-Warbixin cusub eey soo saartay hayadda qaramada midoobay u qaabilsan Muhaajiriinta(IOM) ayey kaga digtay in tirada muhaajiriinta ka imaaneyso wadamadda Bariga iyo Geeska Afrika(EHoA) ineey tahay mid korodhay sannadkaan-2022-ka marka la barbardhigo sannadkii-2020-kii. (IOM)-ta ayaa sheegtay ineey jirto dhimasho badan iyo dad la la’ayahay kuna dhacday muhaajiriinta ka imaanayso wadamadda Bariga iyo Geeska Afrika,muhaajiriintaan ayaa u socdo wadamadda Gacanka Carabta waxa eeyna u badan yihiin dhallinyaro rag iyo wiilal yaryar ah sidoo kale waxaa iyagana ka mida muhaajiriinta dumar iyo caruur oo iyaguna korortay tiradooda waxa eeyna ka yimaadaan dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya waxa eeyna dadkaan soo maraan dalka Jabuuti si eey u garaan Gacanka Cadmeed ee dalkaas Yaman ka dibne eey uga sii gudbaan dalka Boqortooyad Sacuudi Carabiya. Afhayeenka (IOM)-ta ee wadamadda Bariga iyo Geeska Afrika Yvonne Ndege oo u waramaysay wakaaladda wararka ee dalka Turkiga Anadolu ayaa sheegtay”in 109-muhaajir eey ka mid ahayeen 17-caruur ah ineey dhinteen amaba lagu la’ayahay nolol iyo geeri,kuwaan ayaa ka yimid wadamadda Bariga iyo Geeska Afrika soona maray dalka Jabuuti sannadkii-2021-kii,waane eey korortay tirada caruurta ku dhimanayso tahriibka marka loo fiiriyo sannaddkii-2020-kii.
ISHA WARKA ANADOLU.