IMAARAATKA OO ISKA DIIDAY INUU…

MARINKA HORMUZ.

(ABU DABAI)-Dawladda Imaaraatka Carabta(UAE) ayaa maanta sheegtay iney laba bil ka hor ka baxday isbahaysiga Maraykanka uu hogaamiyo oo ka shaqeeya amaanka badda Bariga Dhexe ka dib markii ey qiimaysay xiriirkeeda amni. Ciidamadda Badda isku-dhafka ah waa xoogag ka kooban 34-dal oo fadhigoodu yahay saldhiga ciidamadda badda Maraykanka ee Baxrayn,kuwaaso ka shaqeeyo amniga,ka hortaga argagixisada iyo burcad badeedka ee badda cas iyo Khaliijka. Gobolkaan ayaa waxaa ku yaal qaar ka mida marinada Maraakiibta ee ugu muhiimsan caalamka,waxaane tan iyo 2019-kii ka dhacayey weearao loo gaysto maraakiibta,taasi oo sare u qaaday xiisadda u dhexeyso Maraykanka iyo Iraan. “Ayada oo ku yimid natiijada qiimaynta joogtada ah ee aan ku samayno iskaashiga amniga wax ku oolka ah ee aan la leenahay dhammaan saaxibadeyna,laba bil ka hor,Imaaraatka Carabta wuxuu ka baxay ka qeybgalka ciidamadda isku dhafka ah ee Baddda,”ayey Wasaaradda Arrimaha Dibadda ku tiri bayaan lagu baahiyey Wakaaladda Wararka Dawladda Imaaraatka Carabta ee WAM. Dawladda Imaaraatka Carabta ayaa sheegtay iney ka go’an tahay wada hadal iyo macaamil diblomaasiyadeed si loo horumariyo amniga iyo xasiloonida gobolka,isla markaasne ey ka go’an tahay xaqiiqdii badqabka socdaalka badda si waafaqsan shuruucda caalamiga ah. Shanta todobaad ka hor,dalka Iraan waxa ey todobaad gudihiis ku qabsatay laba Markab oo ah kuwa saliida qaada ah oo maraayey biyaha Khaliijka,meel u dhaw marinka Hormuz. Markabka labaad ey qabsatay Iraan laguna magacaabo NIOVI ayaa ka soo ambabaxay magaaladda Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta waxa uuna ku socday dekedda Fujeyrah ee ku taalo isla dalka Imaaraatka Carabta. Bayaanka ka soo baxay dalka Imaaraatka Carabta ayaa lagu sheegay in warbixinta uu Talaadadii daabacay wargayska WALL STREET JOURNAL isaga oo soo xiganaayo ilo wareedyo Maraykan iyo Kahloiij ah sheegay in dalka Imaaraatka Carabta uu ka carooday jawaab la’aanta Maraykanka ee qabsashada Maraakiibta ey fasiraad khaldan ka bixinayso wada hadalada labada dal. Ciidamadda Badda ee Maraykanka iyo Wasaradda Arrimaha dibadda Imaaratka Carabta ayaa weli ka jawaabin codsi loo diray si ey uga falceliyaan arrintaan.

ISHA WARKA VOA-SOMALI.

Previous
Previous

LIIBIYA OO AADI DOONTO DOORASHO.

Next
Next

BOOLISKA LIBNAN OO KU GUULAYSTAY…