IMAARAATKA OO DALKEEDA KA MAMNUUCDAY DALALKA..
(DUBAI):Dalka Imaaraatka Carabta ee Midoobay(UAE) ayaa joojiyey dhammaan duulimaadyadda ka imaanaayo dalal ka mida wadamadda qaaradda afrika sida”ITOOBIY,TANSAANIYA,NAYJEERIYA IYO KENYA”sabab la xiriirto cudurka Covid-19 marka laga bilaabo maalintii shalay oo ahayd Sabti(25/12/2021)-ka sida eey ku warantay wakaaladda wararka u faafiso dalkaas Imaaraatka ee WAM.Sidoo kale,go’aanka uu gaaray dalka Imaaraatka carabta ee uu ku joojinaayo musaafiriinta u dhalatay afarta dal ee aan soo sheegay ayaa u baahnaan doono in la geliyo karantiil muddo dhan afar iyo toban(14)- maalmood haddii eey ku yimaadaan diyaarado kale,warka ayaa intaas waxa uu ku deraa ineey sii socon doonaan duulimaadyada u dhexeeyo Imaaraatka iyo afartaas dal.Muwadiniinta u dhalatay dalka Imaaraatka Carabta kana imaanaayo afartaas dal ayaa looga baahan yahay ineey keenaan shahaadada cadaynayso ineeysan qabin cudurka Covid-19 afartan iyo sideed(48)-saac ka hor inteeysan u soo duulin dalka Imaaraatka Carabta.ISHA WAKAALADO.